Mootada labada lugood leh oo la sheegay in loo adeegsado falal dambiyeedyada iyo amni darrada Muqdisho (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 04 Feb 2019 – Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay arruurinta Mootooyika labada lugood leh iyadoona arrintaasi ay ka hadleen darwalada iyo milkiilayaasha mootooyinkaasi oo aad ugu badan caasimadda.

Degmooyinka Gobalka Banaadir ayay ciidamada ammaanka ka wadaan howlgalo lagu aruurinayo Mootooyinka fekonka loo yaaqaano oo ay inta badan wadayaal ka yihiin dhalinyaro inkastoo qaar ka mid ah odoyaashuna wataan.

Boqolaal ka mid ah Mootooyinkaasi ayaa waxaa la geeyay saldhigyada ku yaala degmooyinka Gobalka Banaadir waxaana arrintaan ka hadlay maamulka gobalka banaadir oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay arrintaasi..

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay soo qabteen mootooyin badan oo nuuca Feekoonka ah.

“Waxaa la soo qabtay Mootooyin badan oo sharci darro ah kuwaas oo illaa hadda gaaraya lix boqol oo Mooto. Waxay mootooyinkani qayb ka noqdeen falalka amni darro ee ka dhaca caasimadda, iyadoona loo adeegsado qalqal galinta shacabka iyo waxyeelo loo gaysto. Waxaa ay wararka aan helayno sheegayaan inaysan jirin wax warbixin ah oo la xiriirta dhibaatooyin lagu gaystay mootooyinkaan intii ciidamadu billaabeen arruurintooda.”ayuu yiri Tuulax.

“Laakin kahor habeen walba iyo saacad walba warbixinada saldhigyada imaan jiray waxay ahaayeen in Mootooyinka nuucaan ah lagu galo fal dambiyeedyo kala duwan. Waxay maraan luuq walba, jidna kama xirmo, si fudud ayaa dadka waxyeelo loogu gaysan karaa iyadoo la isticmaalayo mootooyinka nuucaan ah,” ayuu intaasi ku daray

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in inta badan kooxaha moobeelada ka dhaca dadka iyo kuwa gaysta dilalka qorsheysan ay adeegsadaan Mootooyinkan nuucaan ah oo ay si sahlan ugu fakan karaan kooxahaasi.

Hadalsame Media