XOG: Siyaasiin iyo Madax dadaal ugu jira siideynta Mukhtaar Roobow

0

(Muqdisho) 03 Feb 2019Dadaalo ku socda si xowli ah kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu sii daayo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa ka socda Magaalada Muqdisho iyadoona warar horu dhac ah ay sheegayaan in dowladda dhexe aysan dooneyn inay ku fududaato siideynta Roobow illaa laga helayo sharuudo dhowr ah.

Dadaaladaan waxaa gadaal ka riixaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kana soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Codsiyada si dabajooga ah ee ka imaanaya odoyaasha uu ku abtirsado Roobow ayaa sidoo kale ka mid ah cadaadiska dowladda dhexe ay la kulmeyso waxaana jira sidoo kale siyaasiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo iyaguna qeyb ka ah dadaaladaan socda.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo 19­kii bishii December sanadkii hore ku guuleystay hoggaanka sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana wararku sheegayaan inuu ku biiray dadaalada dowladda dhexe looga codsanayo in xabsiga laga sii daayo Mukhtaar Roobow.

Lama oga haddii dowladda dhexe aqbali doonto codsiga kaga imaanaya siyaasiinta iyo madaxda Koonfur Galbeed, hase ahaatee waxaa la filayaa in dhinaca dowladda ay ka imaan doonaan sharuud adag oo ah inuu buuxiyo Mukhtaar Roobow kahor inta aan la sii deynin.

Xariga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo kursiga kula tartami lahaa Madaxweynaha hada ee Koofur Galbeed, ayaa waxaa uu sababay rabshado ka dhacay Magaalada Baydhabo kuwaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Roobow waa hoggaamiye kuxigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab hase ahaatee waxaa uu ka soo goostay kooxda Al-Shabaab isagoona isku dhiibay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalsame Media