DAAWO: Imaaraadka oo xulka Qadar u diidey inay dalkaasi dayuurad ka raacaan (Halkee mareen?)

0

(Soxaar) 03 Feb 2019 – Xulka Qaranka Qadar ayaa isla markii uu ku guuleystay Koobka Qaaradda Aasiya oo ay 3-1 direen dhiggooda Japan, waxa uu safar dhulka ah ugu ambabaxay waddanka Cumaan.

Isla waaberigii xigey maalintii guusha ayay basas siday xulka Qadar waxay gaareen magaalada Soxaar ee dalkaasi Cumaan halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen shacabka Cumaan, iyadoo loo jeedey muuqaalka xoolo loo qalay ciyaartooyda Qadar.

Maadaama dalal uu ka mid yahay Imaaraadku ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen Qadar, taasoo ay wehliso go’doomin cir iyo dhulba ah xulka Qadar diyaarad ugama bixi karaan dalka Imaaraadka, waxaana khasab ku noqotay inay safar dhulka ah ku tagaan dalka Cumaan.

Halkaas ayay ugu tala galeen inay muddo yar ku nastaan iyagoo markaa kaddib dalkooda u duulay, iyagoo sita guushii ugu horreeysey oo caalami ah.


Hadalsame Media