Juventus oo ay ku dhacday arrin aysan la kulmin muddo 8 sanadood ah

0

(Torino) 03 Feb 2019 – Juventus ayaa min 3 gool la laqsiiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee rasmi ah, taasoo ah arrin aan soo marin tan iyo 2011 oo uu kooxda hoggaaminayay macallinka Gigi Del Neri.

Kooxda Bianconeri ayaa waxaa 3-0 bartamihii todobaadka ku xaaqday Atalanta oo ku reebtay rubuc-dhamaadka Coppa Italia, kaddibna waxaa xalaytoole 3-3 dhanka Serie A ku celisey kooxda Parma.

Si aad u ogaato markii ugu dambeeysay ee ay Old Lady liqday ugu yaraan 3 gool laba kulan oo xiriir ah waa inaad xusuus qorka ku laabataa tan iyo 2011.

Isla bisha Jannaayo 2011, Juve waxaa 4-1 gurigooda kula dhufatay isla Parma dhanka Serie A, waxaana caawiyay laacibkii xanaaqa badnaa ee Felipe Melo oo roose dafay markii ay ciyaartu 15 daqiiqo uun socotey.

3 maalmood uun kaddib, waxaa Bianconeri 3-0 ku dhufatay kooxda Napoli, taasoo isla horyaalka ka tirsanayd.

Hadalsame Media