DIB U SOCOD: Arag heerkii ay Somalia joogtey 57 sano kahor & maanta + Sawirro (Deeq waxbarasho oo ay Afrika siinaysay)

0

(Muqdisho) 03 Feb 2019 – Somalia ayaa mar horseed ka ahayd qaaradda madoow ee Afrika, waloow nasiib xumo waxaa lagu hagey siyaasad qarda jeex iyo qar iska tuur ah, taasoo ilaa maanta shaqayn la’ dal iyo dibedba.

Waxaan helnay cadad ka mid ah warqaadkii af Ingiriisiga kusoo bixi jirey ee Somali News, caddadkiisii soo baxay 4-tii Agoosto 1961-kii, markaasoo ay Somalia sanad iyo bil uun xor tahay.

Waxyaabaha soo jiidashada leh waxaa ka mid ah marka laga yimaado xirfadda saxaafadeed ee wargayska ka muuqata, wararka uu sido oo ay ka muuqato heerka ay Somalia xilligaa joogtey oo aad uga sarreeysa meesha ay maanta joogto.

Waxaa meel ku qoran isgaarsiinta booliiska magaalada Muqdisho oo leh rug dhexe oo laga diro gurmadka loo baahan yahay iyadoo lasoo wacayo lambarka deg degga ah ee 888.

Waxaa kale oo ku qoran inay Somalia gaar ahaan wasaaradda waxbarashada Somalia ay deeq waxbarasho u fidisay 10 arday oo Kenyan ah oo lagu kala daray iskuulladii Somalia ee xilligaasi, sida Dugsiga Sare ee Sheekh, Dugsiga Farsamada Wershadaha Muqdisho iyo Dugsigii Beeraha ee Jannaale.

Adeegyada xilligaasi jirey maanta in badan oo ka tirsani ma shaqeeyaan, qaarkood maba jiraan gebi ahaanba, qaarna si daciifnimo ah oo aan weliba hufnaan iyo xirfadi la socon ayay u jiraan sida qaybta booliiska.

Wargayska ayaa wararkaasi kasoo xiganaya Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Hadalsame Media

Facebook Comments