DAAWO: Soomaali cunto iyo biyo u qaybisay shaqaalaha DF Maraykanka

0

(Seattle, WA) 31 Jan 2019 – Soomaalida ku nool magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalkaasi Maraykanka ayaa cunno iyo biyo u geeyay shaqaale 400 ah oo ay mushahar la’aani ku dhacday.

Shaqaalahan oo ka tirsan qaybta CSA ee ka shaqeeysa qiimaynta dadka iyo badeecooyinka maraya kastamada ayaa si mutadawacnimo ah ku shaqeeynaya, maadaama aysan wax mushahar helin intii uu xirnaa adeegga DF Maraykanka.

Muslimiintii cuntada meesha geeyey ayaa sheegay inay ka abaal celinayaan wixii loo qabtay oo ay tahay inay laftoodu wax bixiyaan iyo sidoo kalena inay xusuustaan hiilladii loo muujiyay markii uu Trump mamnuucay inay dalal badan oo Muslim ihi soo galaan dalka Maraykanka.

”Halkii 2 sanadood kahor ay taagnaayeen dadkii na taageerayay ayaan annaguna cunto keennay 2 sano kaddib.” ayay tiri haweenay ka mid ah dadkii cuntada qaybinayay.

Cunnooyinkan ayaa waxaa isku soo dardaray makhaayadaha Soomaalida ee ku yaalla magaalada Seattle, Washington State.

”Waxaan doonaynaa inaan beddelno sawirka laga haysto Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta” ayuu yiri wiil ka mid ah Soomaalida leh makhaayadaha tabarrucaadda sameeyay.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media