DAAWO: Ciidamada Jubbaland oo sameeyay arrin aad loogu cambaareeyay!

0

(Kismaayo) 31 Jan 2019 – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka sameeyay arrin soo jiidatey carada dadwaynaha baraha bulshada dal iyo dibedba.

Waxaa la arkayaa ciidamadan oo jidka inta istaagey dhallinyarada si bahdil ah timaha uga jaraya, iyadoo aysan jirin sharci jira oo arrintaa xaq u siinaya.

Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan loo baahnayn marka la eego ugu yaraan wadciga amaan ee maamulkaasi iyo guud ahaan Somalia ku xeeran.

Qaar kale ayaa ku dooday in xitaa kuwa timaha jaraya ay ku jiraan qaar ay timuhu ugu jaran yihiin isla moodada ay dhallinyaradan ku maagayaan.

Qaar 3-aad ayaa qaba in waloow aysan arrintani daruuriba ahayn, ay misna wanaagsanayd in inta aan tillaabadan lagu dhaqaaqin uu amar rasmi ihi soo boxo, dadkana loo sii sheego nooca.

Si kastaba, arrintan ayaan soo kordhinaynin wax ka badan carada dadwaynaha, iyadoo loo baahan yahay in wacyiga laga dhiso ciidamada laftooda si loo wanaajiyo dad la dhaqankooda.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media