DAAWO: Maraykanka & Ruushka oo hawada isku helay! (Yaa la cayrsadey?)

0

(Moscow) 31 Jan 2019 – Miigga Ruus sameega ah ee Su-27 ayaa cayrsadey dayuuradda F-15 ee uu Maraykanku sameeyo, wax lagu tilmaamay dhaqaaq halis ah farsamo ahaan.

Gabal muuqaal ah oo soconaya 40-ilbiriqsi, ayaamaanta oo Khamiis ah wareegaya baraha bulshada, waxaana la arkayaa dayuurad F-15 ah oo aysan ka qasnayn oo ay mar qura kasoo dul dheceeyso mid kale oo Su-27 ah oo aad ugusoo dhowaanaysa.

Dayuuradda F-15-ka ah ayaa deeto weecanaysa, waxaan se ka hareeynin oo cayrsanaysa midda Ruushka oo daba soconaysa ilaa ay ka fogaadaan bikaacyada kaamirada.

Lama carrabaabin halka ay arrintani ka dhacday iyo haybta howlgalkan toona.

Hadalsame Media