Wiil Muslim ah oo farsameeyay SATELLITE ay dunidu la yaabtay!

0

(Sriharikota) 31 Jan 2019 – Hindiya ayaa hawada u gantay satelite-kii dunida ugu yaraa oo uu naqshadeeyay wiil 18-jir ah oo Muslim ah oo u dhashay qoowmiyadda Tamil-ka, Rifath Sharukh.

Satellite-kan oo gacanta lagu qaban karo, ayaa soo jiitey dad badan oo aad u taageera tiknolojiyadda hawada sare, wuxuuna isaga oo dhami la’egyahay 10-cm (4-inch), kaasoo lagu magacaabo Kalamsat V2.

Culayskiisu waa 1.2 kilograms (2.6 rodol), sida ay sheegeen ardayda Space Kidz India oo gacan ka gaystey farsamadiisa.

Waxaa hawada u gantay hay’adda Indian Space Research Organization (ISRO), taasoo sanadkii 2014 ku guulaystey tartankii Aasiya ee hawada sare, kaddib markii ay Dayax Gacmeed ka dejisey Mars, iyadoo isticmaalaysa miisaaniyad gunti isku giijis ah oo aad u tashiilan.

Kalamsat V2 waxaa dhismihiisa ku baxay 1.2 milyan oo rupee ($16,900), sida uu sheegay Srimathy Kesan, oo ah Agaasimaha Guud iyo asaasaha Space Kidz India.

Wuxuu satellite-kani gacan ka gaysan doonaa lalinta idaacadaha ay leeyihiin dadka aan xirfadlayaasha ahayn iyo howlaha kale ee aan dhaqaale doonka ahayn.

Hadalsame Media