Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 29 Jan 2019 – Qarax culus oo loo maleynayo inuu ka dhashay Gaari ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow ex-xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Jugta Qaraxaan ayaa aad looga dareemay Magaalada Muqdisho oo asbuucyadii ugu dambeeyay ka nasatay qaraxyada nuucaan ah ee waaweyn.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxaan hase ahaatee illaa hadda ma jiraan warar faahfaahsan oo Booliska ay sheegeen islamarkaana ku saabsan nuuca qaraxaan iyo bartilmaameedkiisa rasmiga ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada nuucaan ah kuwaas oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka shacabka ah.

Hadalsame Media