AL-BASHIIR:- “Dalal shisheeye iyo Warbaahinta ayaa doonaya inay dumiyaan dalkeena,”

0

(Khartuum) 28 Jan 2019 – Madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa si kulul uga hadlay banaanbaxyo rabshado wata oo ka socda qaybo ka mid dalkiisa, waxaana uu ku eedeeyay dadka banaanbaxaya inay doonayaan inay carqaladeeyaan xasiloonida iyo dowladnimada Suudaan.

Al-Bashiir oo ka hadlayay Magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Masar Cabdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in wadamo shisheeye doonayaan inay qalalaase ka abuuraan dalkiisa.

Midaasi ayuu sheegay inaysan dhici doonin oo ay gacmo bir ah ku qaban doonaan cid walba oo sida uu sheegay doonaysa inay dhibaato ka abuurta dalkiisa, hase ahaatee waxaa uu qiray inay jiraan dhibaatooyinka dhanka bulshada ah oo ka dalkiisa ka jira.

Waxay doonayaan buu yiri , inay soo meen guurayaan kacdoonadii ka dhacay qaar ka mid ah dalalka carabta ee lagu riday ama la isku dayay in la rido dhowr hoggaamiye.

Banaanbaxayaasha dalka Suudaan ayaa ka cabanaya sicirka cuntada iyo shidaalka oo sare u kacay dalkaasi iyagoona ka dalbaday in la bedelo xukunka sodon jirsaday ee Madaxwayne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxwayne Al-Bashiir ayaa sidoo kale ku eedeeyay warbaahinta inay buunbuuniyeen oo dab ku sii shideen arrimaha ka jira dalkiisa waxaana maalihii ugu dambeeyay cadaadis la saaray suxufiyiin u shaqeysa qaar ka mid ah wakaaladda caalamka oo ka howlgala Magaalooyinka muhiimka ee dalka Suudaan.

Hadalsamed Media