Maxaad ka taqaannaa cudurka Maskax Dahaarka (Brain Fog)?

0

(Hadalsame) 27 Jan 2019 – Dhakhaatiirtu waxa ay ku qeexaan in ay tahay marxaladda maskaxda uu caad daboolo niyadeed daboolo, taas oo micnaheedu yahay in ay qofka ku adkaato wax kala saarida, diirad saaridda, barashada, fahamka guud iyo jahawareer.

Dadka jirradaan qaba waxaa dhib ku ah in ay wax diirada saaraan waxayna u boodaan shaqo kale iyaga oo aan dhameyn mida qabyada oo ay gacanta ku hayaan.

Waxaa kaloo ku adag in ay go’aan sax ama khalad ka qaataan arrin feejignaantooda oo liidata darteed, waana dad jiitama oo aan lahayn jiho cad oo ay u jeedaan dadka qaba maskax dahaarku (Brain Fog).

Cudurkan Maskax Dahaarku waloow uu u badan yahay dadka da’ ahaan waawayn sidoo kale dad kalena wuu ku dhici karaa wuxuuna leeyahay dhowr nooc iyo marxalado kala geddisan.

Halkan ka akhri macluumaad badan oo ku saabsan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media