MW Gobolka Soomaalida oo Addis Abeba kula kulmaya Cabbeey Axmed (Rag ku eedaysan inay gobolka ”khiyaameen”)

0

(Addis Abeba) 26 Jan 2019 – 11 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Gobolka Soomaalida ayaa shalay galab tegey magaalada Addis Abeba.

Xubnahan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida Md Mustafa Cagjar ayaa RW Cabbeey Axmed warbixin ka siin doona xaaladda amaan iyo midda sirdoon ee gobolka.


Madaxwayne xigeenka Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in laga war helay mu’aamarad ay gobolka u maleegayeen qaar ka mid ah madaxda, iyadoo Axmed Shidde lagu eedeeyay in ay ”dhici karto inuu gobolka khiyaamay” sida lagu qoray Addis Standard.

Gobolka Soomaalida oo uu beri dhexdaas ah la wareegay maamulka cusub ee uu hoggaaminayo Musrafa Cagjar ayaa beryahan laga soo sheegayaa khilaaf gudeed iyo mid kale oo la sheegay inuu xitaa kala dhexeeyo DF Itoobiya.


Hadalsame Media