Wax ka ogow socdaalka Madaxwaynaha Soomaaliya ee Magaalada Garowe

0

(Muqdisho) 26 Jan 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay gaaraan Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in si wayn loogu soo dhaweeyo magaalada Garoowe halkaasi oo uu ka socdo diyaar-garow balaaran.

Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Garoowe uga horreeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda dhexe.

Ciidamada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maalmo kahor gaaray Garoowe.

Garoowe waxaa buux dhaafiyay madax hore, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay halkaasi, si ay uga qeyb galaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Hadalsame Media