DAAWO: ”Annagu ma urayno ee diinteenna ayaa nalaku haystaa!” – Qoyskii shiirka dartii looga eryey dayuuradda AA oo caqli kale keenay + Sawirro

0

(Miami) 25 Jan 2019 – Qoys reer Detroit ah ayaa laga cayriyay dayuuradda American Airlines kaddib markii ay dhowr qof oo rakaabka ihi ka cowdeen shiirka jirkooda.

Yossi Adler, xaaskiisa Jennie, iyo gabadhooda 19-bilood jirka ah ayaa ku jirey safar guryo noqosho ah kaddib markii ay dalxiis u tageen magaalada Miami ee isla dalka Maraykanka.

Yeelkeede, intii aanay dayuuraddu u duulin dhanka Dettroit, Michigan, ayaa dibedda loosoo gelbiyay, iyadoo lagu celiyey iridda laga soo galo dayuuradda ee garoonka Miami International Airport, sida uu Adler u sheegay Local 10.

“Annagu ma shiirno, hagaag, qof urayaa halkan ma joogoe,” ayuu ku qaylinayaa Adler oo caraysan sida ka muuqata muuqaal cusub oo soo baxay, isagoo ku adkaysanaya in “diin darteed” looga eryey dayuuradda.

Sarkaal ka tirsan maamulka American Airlines ayaa ku kedinaya: “Laakiin waxaad noo sheegtay inaadan u qubaysan sababo diimeed, soow sidaa ma dhihin?” Adler ayaa deeto inkiraya isagoo ku celcelinaya in diintooda Yuhuudda darteed loo midab takooray.

Shirkadda American Airlines oo arrinta qoyska Adler ka hadashay ayaa sheegtay inay “qoyska si wanaagsan u daryadaysay oo ay hoteel dejiyeen cuntana siiyeen” kahor intii aanayn u jarin tigidhka dayuuraddii baxaysay subaxdii xigtey.

 

Hadalsame Media