”Inaad Madaxwaynaha ka hadal badan tahay kama dhigna inaad ka waxqabad badan tahay!”

0

(Hadalsame) 26 Jan 2019 – Qof kasta wuxuu leeyahey Hal madax, Dal kastaa wuxuu leeyahey Hal Madaxweyne, Somaliyana waxey leedahey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waan dhaliili karnaa, waana amaani karnaa, waa xagxagan karnaa waana xoojin karnaa laakiin marnaba ma xaqiri karno mana qarin karno inuu yahey Astaan Qaran iyo kan rasmiga ah ee maanta inagu matali kara magac iyo mansab gees kasta aduunyada.

Inaad ka hadal badan tahey micnaheedu maaha inaad ka wax qabad badan tahey, waxaase jiri kara in kartida, aqoonta, xil kasnimada iyo indheer-garadnimo lagu kala horeeyo weliba umad lagu hogaamiyo, marka Madaxweyne Farmaajo baa naga mudan sharaf iyo inaan siino qiime Madaxweyne.

Madaxweynayaal hore iyo Madaxweynayaal soo socda maanta waxba ma maamulaan mana qaban karaan, xataa anigoo u wada haya xushmad weyn iyo abaal kuwii hore iyo soo dhaweyn kuwa imaan doona haddii rabbi nagu gaarsiiyo caafimaad waxey danteenu hoos taalaa Madaxweynaheena hadda, somali ayaaba ku maahmaahda “dhar aadan haysan dhaxan kaama celiyo”.

Garoowe iyo Guud ahaan reer Puntland shacab iyo madax wey ku amaanan yihiin sidey u kala saareen Madaxweyne umadeed iyo Madax Xisbi iyo siyaasiyiin caadi ah, waxeyna muujineysaa biseylka siyaasadeed ee Puntland waxaana leeyahey ku mahadsanidiin sidaad usoo af jarteen una kala cadeyseen guuleystaha dhoola tusyadii shalay iyo maanta, dalkuna leeyahey 1 Madaxweyne.

GUNAANAD

Anigoo heli kara kun sababood oo qalbiga iyo qaranka u roon ma haboona inaan ku celceliyo hal sabab oo qasaare iyo qoomamo ii horseedi karta.

Waxaa Qoray: Maxamed Deeyoo

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media