“Lama duubi karo muuqaallada wax Xisbi siyaasadeed ah!” – Taliyaha Booliiska Garoowe

0

(Garoowe) 25 Jan 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Puntland, Muxiyadiin Axmed Muuse, uu Warbaahinta ku sugan garoonka dayuuradaha Garoowe u sheegey: “In aan la duubi karin wax Xisbi Siyaasadeed ah”.

Garoonka qaybta ay diyaaraduhu ka haadaan ayaa la sheegayaa in laga saaray astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa Xisbiga Wadajir, sida ay wararka maxalliga ihi sheegayaan.

Warar baa sheegaya in hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasame iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Xaaf ayaa daqiiqado kaddib la filayay in ay soo gaaraan magaalada Garoowe.

Madax kala duwan ayaa Garoowe horay u gaartey waxayna halkaa uga qayb gelayaan munaasabadda caleemo saarka ah ee madaxwaynaha cusub ee Puntland.

Xigasho: Mohamed Saalax, Garoowe

Hadalsame Media