Axmed Madoobe oo ciidan gaar ah la tegey Garoowe + Sawirro

0

(Garoowe) 25 Jan 2019 – Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku qulqulaya wufuud kala duwan oo ka kala imanaya dhinacyada dalka.

Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa halkaas la tegey ciidamo gaar ah oo hubeysan, kuwaas oo,ah ilaaladiisa gaarka ah oo ku jooga lebbis khaas ah.

Axmed Madoobe ayaa mahad celin kaddib wuxuu aad u amaanay maamulka Puntland oo uu ku tilmaamay mid mudan in dhinacyo badan lagaga daydo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo halkaa kusoo dhoweeyey Axmed Madoobe ayaa ballan qaaday wada shaqayn dhow oo ay wada yeeshaan.

Wufuuddan oo uu ugu sarreeyo MW Somalia Md Farmaajo ayaa Garoowe u tegaya caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee Puntland.

Hadalsame Media