NATIIJO HORDHAC AH: Xeebaha Somalia oo laga filayo SHIDAAL fara badan

0

(Muqdisho) 24 Jan 2019 – 10-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa gaas dabiici ah laga helay xeebaha dalal badan oo Bariga Afrika ah, kuwaasoo ka badan, iyadoo kayd ka badan 30 Bbbl laga helay xeebaha Mozambique iyo Tanzania oo qura, iyadoo iminka suuq gayn lagu bilaabay.

Sida ku cad xogta sahan cusub oo ay sameeysay Spectrum, kaasoo xeebaha Somalia laga hirgeliyay intii u dhaxaysey 2014-2016, waxaa diirka laga qaaday wax awal ka maqnaa Bariga Afrika – oo ah carafta saliidda.

Tan iyo markii baaritaanka laga bilaabay xeebaha Somalia waxay dadka falanqaynaya xogaha ilaa haatan la helay ay garteen inay Somalia leedahay kayd saliideed oo u dhigma midka laga helay xeebaha dalalka Bariga Afrika.

Taasi waxay ka dhigan tahay in xeebaha Somalia uu ceegaago kayd saliideed iyo midka gaaska dabiiciga ah intaba, gaar ahaan qaybta loo yaqaanno Somali Basin.

Qaybahan laga hadlayo waxaa ku jira qaybta muranka la geliyay ee ay haatan Kenya kula dheggan tahay Somalia.

Hadalsame Media