Faahfaahino ka soo baxay weeraro la sheegay in lagu dilay boqolaal ka tirsan ururka Al-Shabaab

0

(Jilib) 24 Jan 2019 – Wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka oo kaa shanayay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Howlgaladan ayaa ka dhacay sida la sheegay deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Jilib iyo tuulooyinka ku xeeran.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob, sida ay sheegtay SONNA waxaana ka mid ah goobahaasi xarun difaac u ahayd Al-Shabaab.

Waxaa kaloo ka mid ah meelaha la beegsaday sida SONNA sheegtay, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka iyo goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha ay ka qaadaan Shabaabku shacabka

Goobahaas ayaa dhamaanba la bur buriyay sida ay baahisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan Al-Shabaab, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah.

Xarunta Al-Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay Al-Shabaab ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen.

Saraakiisha Al-Shabaab ee la xaqiijiyay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsan degmada Jilib.

Si kastaba ha ahaatee ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegashada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalsame Media