Madaxda Dowladda & Mucaaradka oo KABO ka waawayn u gelinaya Deni!!

0

(Hadalsame) 24 Jan 2019 – Puntland! Puntland! Puntland! Ku dhawaad laba bilood siyaasadda Soomaaliya waxaa hareeyey (Dominated) adeegsiga magaca maamul gobolleedka Puntland.

Ujeedka wax kale ma ahayn, waxa ay dhammaan madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan isha ku hayyeen, isu arkayeen in ay saami ku leeyihiin natiijada ka soo baxda xulashadii 8-dii Janaayo maamulkaas laga sameeyey ee lagu doortay Siciid Deni.

Halkaas kuma joogsan, toddobaadkan oo ay socoto qaban qaabada wax lagu sheegay caleemo saarka Deni, waxaa markale soo laabatay saameyntii magaca Puntland ku dhex lahayd nolol maalmeedka Soomaaliada haddii ay ahaan lahayd fadhi ku dirikooda dhaqamiga ahaa iyo midka casriga ah ee baraha bulshada.

Waxaa se ugu la yaab badan, oo ay ku adkaatay in ay liqaan dadka caqliga  u saaxiibka ah sida loo buun buuniyey Siciid Deni kaas oo ay dhammaan siyaasiyiinta haddii ay ahaan lahaayeen kuwa maamulka hadda jira taladiisa haya iyo kuwo mucaaradka ah ugu kala dheereenayaan ka qeybgalka munaasabadda lagu caleemo saarayo.

Xogaha suuqa soo galay ayaa ku warramaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo tegayo Garoowe  si uu uga qeybgalo dhacdadaas! Waxaa sidoo kale casumaad aqbalay labadii Madaxweyne ee hore Shikeh Shariif Shiekh Axmed iyo Xassan Shikeh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ku ah maamulka hadda jira sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa halkaas ka cad in Deni loo galiyey KABO ka waa weyn oo ay adkaan doonto in berri iyo wixii ka dambeeyaba laga bixiyo.

Maanta, sida muuqata madaxda u kala ordeysa, ku faraxsan in ay helaan casumaadda caleema saarka Deni waa mid dalka iyo iyaga qudhoodaba ku noqon doona caqabad aan laga gudbi Karin.

Tusaale, tan iyo xiligii KMG ka, maamulka Puntland waxa uu laf dhuun gashay ku ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxa uu ragaadiyey geedi socod walba oo lagu xoojinayo maamul dhexe oo awoodihiisa dastuuriga ah leh taas oo keentay in nin walba oo maamulkaas loo xusho isu arko Madaxweynaha Soomaaliya mid ka awood badan.

Faroole waxaa laga dhaxlay erey can baxay “La’igalama tashan!” Waxa uu ahaa shaqsi is hortaaga go’aan walba oo ka soo fula Madaxweynihii hore Shikeh Shariif sax iyo qaladba, ugu dambeyn waxa uu noqday LA MADAXWEYNE!

Gaas, dhawr jeer ayuu xiriirka u jaray maamulkii Xassan Shikeh, waxa uu sabab u ahaa in la dhiso Madashii Wadatashiga Qaran-ka oo ka dhigneyd LA MADAXWEYNEYAAL! Kaba darabe, si cad ayuu warbaahinta ugu aflagaadeeyey Xassan Shikeh oo uu ugu maahmaahay “SAGAARADII BADDA KU KALLEETISAY!”

Gaas, maamulka hadda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu isku dayey in uu ku sameeyo afgambi CASIREYSAN! Waa kii dhisay “Golihii Iskaashiga”.

DENI

Deni waxba kama bedelnaan doono raggii hore loogu xushay hogaaminta maamulka Garoowe, anigu waxaan qabaa, waqtigaa sheegi doonee in uu ka darnaan doono.

Bulshada ku hadasha afka Sawaaxiliga ayaa leh oraah can ah ‘Siku Njema huonekana asubuhi’ oo la micne ah “Maalinta wanaagsan waxaa laga arkaa subaxeeda”.

Deni, sida loo buun buuninayo, Puntland looga dhigayo ‘Supreme’ ka duwan maamulada kale, ka mudan, waxa ay KABO ka waa weyn u galineysaa Deni oo natiijada ka dhalata caqabad ku ahaan doonta maamulka hadda jira, kuwa u hanqal taagaya in ay berri talada talka helaan.

ARAGTIDEYDA

Waxaan soo jeedin lahaa, ila wanaagsan in dowladda dhexe uga qeyb gasho caleemo saarka Deni-ga la xushay heer Wasiir oo aysan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaaraha ka qeybgalin.

Sax, Madaxweynaha wuu ka qeybgalay caleemo saarkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo Puntland iyana wey mudan tahay, laakiin mucaaradka ayaa sheekada waji kale u yeelay “Blown the issue out of propotion” sidaas daraadeed, Deni iyo Puntand yaan dowladda dhexe laga sarreysiin.

W/Q: Maxamed Muuse Aadan (Max’ed Kaafi)

Email: Muhamedkaafi@gmail.com

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media