DAGAALKII SANGUUNI: Istaraatijiyadda ka dambaysa weerarrada Al Shabaab (Laba qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 22 Jan 2019 – Dagaalkii Baarsaanguuni waxaa xaqiiqo ah in Alshabaab weerar adag ku ekeeyay ciidamadii kala duwanaa ee Soomaaliya ee Fedaraalka iyo Daraawiishta Jubbaland kuna sugnaa aaga Baarsanguuni kadibna ay qasaare nafeed gaarsiiyeen ciidankii Soomaaliya ahaa waloow ay ciidamadaasi ay isdifaaceen sheegeena inay guulo kasoo hooyeen dagaalkaas.

Alshabaab sida muuqata hawlgalkoodii markuu dhamaaday ayay damceen inay saldhigyadoodii dib ugu laabtaan sida ka muuqata muuqaalada la helayo iyo wararka dadka goobjooga ah, inkastoo diyaaradihii Mareykanka ahaa ay gawaaridii ay saarnaayeen askarta Alshabaab ku gubeen xili ay damacsanaayeen inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay kasoo dagaal tageen halkaasna qasaare nafeed baa ka gaaray Ururka Alshabaab.

Wararka dacaayada marka laga tago iyo sheegadhada dhinacyada dirirtu dhex martay, waxaa xaqiiqo ah in qasaare dhimasho uu jiro, Soomaali badana ay ku dhimatay aagaas maanta oo isugu jira Ciidanka Soomaaliyeed iyo Ururka Alshabaab.

Hadaba waa maxay Istaraatiijiyada Alshabaab ee dagaaladaan soo cusboonaaday!!?

Aragtidayda ujeedada ugu muhiimsan ee Alshabaab ka leedahay dagaalada xiligaan soo cusboonaaday waxay kusoo aruurayaan labo ujeedo un midood taasoo kala ah.

1 – Ujeedo Macnawi ah taas oo ay fariimo dhinaca Warbaahinta ah hawada ugu marinayaan taageerayaashooda iyo cadowgoodaba si isku mid ah, ayna ku leeyihiin waanu joognaa walina awoodbaynu leenahay.

2 – Ujeedada kale waxaan ugu magac daray “Aaryo-bixin” waana mid looga hortagayo wararka sheegayo in Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Amisom ay qaadi doonaan guluf ballaaranoo lagu doonayo in Alshabaab looga qabsado degaamo muhiim u ah oo ay in muddo ah ka talinayeen.

Istaraatiijiyadaan danbe ayaa ku qotanta qaadida weeraro xoogan lagu qaado saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom iyo wadooyinka ay sahayda ama saadku u maro ciidamadaas, dagaaladaasuna ay noqdaan kuwo khasaare ba’an gaysta si ay suurtoowdo in gulufkaas la hakiyo ama uu baaqdaba.

Mana ahan markii ugu horeysay ee ay Ururka Alshabaab isticmaalaan Istaraatiijiyadaan ay ku doonayaan in lagu Aaryo-bixiyo hawlgal in muddo ah la qorshaynayay iyadoo ay xiliyo hore isticmaaleen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiqo ah in Alshabaab aysan lahayn awoodii Milatari iyo Hogaankii adkaa ee ay lahaan jireen, sumcadeediina ay aad ugu burburtay dilalkii faraha badnaa iyo qaraxyadii aan loo meel dayin ee ay la beegsatay shacabka Soomaaliyeed.

Halka dhinaca kalana ay ku mashquulsan tahay dagaalka kala dhaxeeya ururka ka go’ay ee “Daacish” kaasoo ay u dhexeeyaan dagaal aad u qaraar iyadoo ay hogaan badan oo laf dhabar u ahaa la sheegayo inay qayb ka yihiin kala jabkaas qaarkoodna ay madaxka yihiin Ururka Daacish.

Dhinaca kale Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee maanta ka jirta Soomaaliya ayaad moodaa inay tahay mid shacbiyadeeda aan la dhayalsan karin inkastoo hay’adaheeda amaanka ay waqti xaadirkaan ku adag tahay inay soo afjaraan ururadaas sababo la xariira dhinaca tayada iyo qalabka ciidanka, inkasta oo ay dadaalo dib loogu yagleelayo laguna dhisayo ciidanka xooga ay socdaan.

Hadaaneey Soomaali caqli iyo hal-abuurkii dagaaladaan lagusoo afjari lahaa la imaan oo aysan muujin midnimo iyo istaraatiijyad cad oo qeexaysa qaabka loo soo afjarayo dagaalkaan, Waxaa xaqiiqo ah inay adkaanayso in lasoo afjaro dagaalada caynkaan ah oo badanaa ah kuwo aan lagu xalin awood ciidan laakiin u baahan istaraatiijiyad ka qota dheer tan Milatari.

Waxaa Qoray: Isxaaq A Cilmi

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media