War kasoo kordhay isku SHAANDHAYN la hadal hayey (Saluugga shacabka)

0

(Muqdisho) 22 Jan 2019 – Waxaa beryihii dhowaa hawada soo galay warar sheegaya in laga yaabo in ay dhacdo isku saandhayn ballaaran oo lagu sameeyo jagooyin kala duwan.

Isku shaandhaynta oo saamayn lahayd dhowr xil oo muhim ah ayuu hadalka hore oo aan hubbanayn wuxuu u dhignaa in lagu wado maalmaha soo aaddan.

Yeelkeede, kaddib dabagal uu sameeyay hilin wareedka Hadalsame Media oo aanu kula xiriirnay ilo ka mid ah xayndaabka hoose waxaa meesha qayb ahaan ka baxday isku shaandhayn jumlo.

Haddii si kale loo yiraahdo, way dhici kartaa mar dhow iyo mar dheerba in isku shaandhayni dhacdo, balse looma fadhiyo mid leh qarada tii beri dhowayd la hadal hayey, sida ay ilahaa oo aynaan magacaabayni noo xaqiijiyeen.

WASAARADO FADHIID AH & SALUUGGA DADWAYNAHA

Dad badan ayaa yuus ka qaba qaar ka mid ah jagooyinka dowladda, gaar ahaan wasaaradaha oo ay ku tilmaameen kuwo fadhiid ah oo ay dadka ugu war dambaysay maalintii la magacaabay.

Shacabka ayaa tusaale usoo qaadanaya wasaaradaha qaar, sida Wasaaradda Maaliyadda iwm oo ilaa xad shaqo badan qabata, iyagoo ku doodaya in haddii ay Wasaarad kasta wax uun qaban lahayd ay wax badani qabsoomi lahaayeen.

Hadalsame Media