Kenya oo soo bandhigtay sawirrada rag lagu eedeeyay weerarkii Magaalada Nairobi

0

(Nairobi) 21 Jan 2019 – Booliska Kenya ayaa shaaciyay liiska iyo sawirrada dad la doon doonayo kadib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliska ayaa ka codsaday dadweynaha Kenya guud ahaan inay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa 6 nin oo Kenyan ah.

Raggaan oo Sawirradooda la soo daabacay ayaa la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Al-Shabaab Talaadadii la soo dhaafay ka gaysteen Hotelka Dusit D2 oo kuyaala Magaalada Nairobi.

Hoos ka Akhiso liiska ragga magacyadooda la sii daayay

1- Didu Maxamed Fujija “Duktur”,

2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Hadalsame Media