Meydadka 4 qof oo si arxan darro ah loo laayay oo laga helay duleedka Magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 21 Jan 2019 – Meydadka afar ruux oo si arxan darro ah loo dilay ayaa laga helay duleedka Magaalada Muqdisho waxaana arrintaas wel wel ka muujiyey dadka deegaanka.

Dadka ku dhaqan duleedka degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay arkeen meydadka afar ruux oo dhalinyaro ahaa kuwaas oo si xun loo dilay.

Meydadka ayaa habeenimadii xalay lagu soo daadiyay xaafadda dhexdeeda waxaana la sheegay inay indhaha iyo gacmaha ka xirnaayeen.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta la soo dhigay meydadkaan waxaana illaa hadda la aqoonsan waayay cida ay ka tirsanaayeen dadka la laayay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay noqon karaan ciidamo ka tirsan dowladda hase ahaatee warkaasi wali si rasmi ah looma xaqiijin.

Warar kale ayaa sheegaya inay noqon karaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay dileen ciidamada dowladda inkastoo isna warkaasi uusan ahayn mid fadhiya.

Si kastaba dhacdadaan ayaa naxdin iyo anfariir ku riday dadka shacabka ee deegaanka.

Hadalsame Media