Naciima Abwaan Qorane: Geesiyad HAN sare heh! (Akhri sababta)

0

(Hadalsame) 20 Jan 2019 – Marka ummad meel kuwada nool ay ku jiraan halgan ay isaga xoreynayaan gumeysi kusoo duuley oo dalkooda qabsaday ama dhibatooyin kala duwan oo iyaga dhexdooda ah ay ka dhacaan sida dagaalo sokeeyo iyo maamul xumo xaaladuhuna ay cakirmaan oo dadkuna niyad jab xoog leh uu ku dhaco ayaa waxaa dhacda in ummadda dhexdeeda uu Alle kasoo saaro rag iyo dumar geesiyaal ah oo garasho iyo damqasho leh, dareen wadaniyeed iyo lex jeclo ay ku beerantahay kuwaas oo waqtigooda iyo noloshooduba ku bixiya sidii dhibta markaa taagan looga bixi lahaa iyagoo aakhirkana noqda halyeeyo sharaf iyo magac ku dhex yeesha dalkooda iyo dadkooda.

Waqtigii halganka gobonimo doonka ay ku jirtay soomaaliya ugu dambayntiina ay xorowday sannadkii 1960-kii iyo haatan oo mudo sodon sannadood ku dhaw dalkeena hooyo bur bur dhinacyo badan leh ay ka jiraan waxaa intaas jirey halgamayaal iyo wadaniyiin waxa socda ay xanuun ku hayso mar kastana ummadda dhibta ku raagtay sidii ay uga bixi laheyd u taagan marna aan quusan wax kasta oo ay qaban karaana aan ka hagran dadkooda iyo dalkooda hooyo.

Haddaba dadka in la xuso mudan ee doorkoodu shariifka ah uu muuqdo waxaa ka mid ah gabadha dhalinyarada ah ee soomaaliyeed ee la yiraahdo Naciima Abwaan Qorane oo sida dhabta ah sannadihii u dambeeyay sida dayax shan iyo tobanaad oo kale uga dhex ifaysay geyiga soomaaliyeed.

Gabadhan mudada ay halganka soomaalinimada ku jirtay waxa ay la kulantay handadaad,caga jugleyn iyo xarig hase yeeshee marna kama leexin hadafka ay leedahay ee ah in ay aragto soomaali oo mideysan is jecel dawlad xoog leh ay u dhisan tahay oo sharaf ugu nool caalamka.

Naciima Abwaan Qorane xaqiiqdii waa gabar iimaan ahaan u dhisan aad u fir fircoon oo geesiyad ah, hankeedu uu aad sareeyo,codkar ah oo ummaddeeda wax ka dhaadhicin karta isla markaana leh mab’da.

Inantan waxaa lagu xusuustaa markii xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ay kasoo baxday iyadoo muujinaysa soomaali jacelka ayaa waxa ay tiri sidan:

Anigu Soomaalinimaa i qancisa wax soomaalinimo ka hooseeya dunida guudkeeda ma yaalaan guri kasta oo soomaali ay degan tahayna qasri dahabi ah ayaa iiga dhisan sidoo kalena xarig iyo cago jugleyn kasta oo la ii geysto weli waxaan aaminsanahay soomaalinimada.

Ugu dambayntii waa waajib ina wada saaran dhamaanteen inaan dhiiri gelino,guubaabino oo garab istaagno geesiyada wadaniyiinta ah ee sida daacadnimada ah ugu halgamaya soomaaliya isla markaana jecel in ay dhibta ka baxdo dunidana cisi iyo karaamo ku noolaata.

Gabadhan soomaaliyeed ee Naciima Abwaan Qorane waxaan leeyahay Alle ha kula jiro Guuleyso halkaagana ka wad halganka aad ku jirto.

Qore: Cabdullaahi Nuur Max’ed (Colombo)

Hadalsame Media