SAWIRRO: Denis Suarez oo u ”codeeyay” kooxda uu kaga biiri karo EPL (Waa tee?)

0

(Barcelona) 20 Jan 2019 – Laacibka reer Spain ee ka tirsan Barcelona Denis Suarez ayaa sameeyay ficil u muuqda inuu kusii jeedo kooxda Arsenal kadib guushii ay kooxdaasi ka gaartay dhigeeda Chelsea.

Xiddigaan dhalinta yar ayaa si waalli ah loola xiriirinaayay Gunners mudooyinkii lasoo dhaafay waxaana jira warar sheegaya inuu xiddigaan la shaqeyn doono Unai Emery inta lagu jiro fasal ciyaareedkaan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa daabacday in Gunners ay hadda qorsheyneyso iney bixiso adduun dhan 1.7 Milyan oo gini si amaah lix bilood ah loogu siiyo Denis, ka hor inta aysan xagaaga soo aadan kula wareegin 17.5 Milyan oo Pound.

Inkastoo aan heshiiska la dhameynin hadana Denis Suarez wuxuu wacdaro ka dhigay baraha bulshada markii ay dhamaatay ciyaartii ay Gunners 2-0 kaga badisay Chelsea kulan ka tirsan Premier League.

Denis wuxuu (like) ka helid saaray sawir lasoo dhigay barta rasmiga ah ee horyaalka Premier League uu ku leeyahay Instagram-ka, waa sawirka hoos ka muuqda ee Laurent Koscielny, sidoo kalana wuxuu sidoo kale ku sameeyay sawir ay kulankaas ka sameysay majaladda Bleacher Report soona dhigtay mareegaha Instagram-ka.

Haddaba labadaan ficil waxaa loo dareemay in Denis Suarez durba sii bilaabay jaceylka kooxdiisa cusub ee Gunners. Denis Suarez wuxuu doonayaa inuu ku biiro Arsenal bishaan, balse Balaugrana ayaa ciyaar adag la dheeleysa dhigeeda Gunners maadaama wali la isku fahmi la’yahay qorshaha amaahda ah ee ay kooxda reer London wax ku dooneyso.

Si kastaba xogo hoose oo la helay ayaa sheegaya in Arsenal ay u muuqato koox si farsameysan u qancisay Barcelona.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Shardinho

Hadalsame Media