73 qof oo ku dhintay QARAX weyn oo ka dhacay Mexico! Maxaa sababay QARAXA? (SAWIRRO)

0

(Tlahuelilpa) 20 Jan 2019 – Dowladda Mexico ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 73 ruux iyadoona ay dhaawacmeen ku dhawaad 100 kale kadib markii qarax ka dhashay dhuumo shidaal uu ka dhacay dalkaasi. Ciidamada gurmadka deg deg ah ayaa illaa hadda waxay wadaan samatabixinta dadka waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatada oo soo billaabatay maalinimadii jimcadii.

Qaraxan ayaa la aamisan yahay inuu ka dhashay dhuumo shidaal kadib markii kooxo tuuga ah ama burcad ah isku dayeen inay xadaan shidaal kadib markii ay dhaawaceen oo dilaaciyeen dhuumo shidaal.

Dhibaatadan ayaa ka dhacday Magaalada Tlahuelilpa ee Ismaamulka Hidalgo ee dalka Mexico. Booliska ayaa sheegay maanta oo Axad ah in tirada dhimashada ay gaartay 73 qof hase ahaatee la filan karo in sare ay u kacdo sababtoo ah xadiga qaraxa.

Meydad fara badan ayaa la arkay waxaana ay u badan yihiin dadkii deganaa nawaaxiga qaraxu ka dhacay. Madaxwaynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa dhawaan ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah kooxaha burcada ah ee ku caan baxay inay jabsadaan tubbooyinka shidaalka si ay u xadaan shidaal una iibsadaan si sharci darro ah.

Kadib markii ay qarxeen dhuumaha shidaalka ayaa la arkay dadwayne badan oo caagado iyo jirgaano soo qaatay si ay u gurtaan shidaalka iyadoo waliba qaar ka mid ah dhuumaha shidaalku ay aad u holcayeen.

“Qof walba waxaa uu isku dayay inuu xoogaa Shidaal ah u helo gaarigiisa..Ma jiraan wax kaalimo shidaal ah oo halkaan ku yaala,” yay tiri haweeney deegaanka ah.

Xatooyada shidaalka ayaa dalka Mexico caadi ka ah waxaana inta badan loo aaneeya qaar ka mid ah bulshada dalkaasi oo si sharci darro isugu daya inay dilaaciyaan dhuumaha shidaalka iyo tubbooyinka si ay u helaan shidaal iyo gaas bilaash ah oo ay iibsadaan ama ay u isticmaalaan danno kale.

 

Hadalsame Media