Wararkii ugu dambeeyay weerar ka dhacay saldhig ciidan oo u dhow Magaalada Kismaayo

0

(Kismayo) 19 Jan 2019 – Ururka Al-Shabaaab ayaa dagaal culus ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni oo 45 kilomitir dhanka waqooyi kaga beegan Magaalo xeebeedka Kismaayo.

Weerarkan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa la sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigaasi ay si adag isaga difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya inuu jiro khasaare baaxad leh oo soo kala gaaray labada dhinacba.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay la wareegeen saldhiga Baar-Sanguuni hase ahaatee waxaa taasi beeniyay saraakiil u hadashay ciidamada dowladda oo sheegay inay ka hor tageen weerar qorsheysan oo kaga yimid dhank Al-Shabaab.

Lama oga wali inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Hadalsame Media