Kenya oo soo bandhigtay Eedeysanayaal loo haysto inay wax ka ogaayeen weerarkii Nairobi

0

(Nairobi) 19 Jan 2019 – Ugu yaraan shan qof oo u badan darawalo Taksiilayaal ah ayaa loo xiray sababo la xiriira inay wax ka ogaayeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Wararka ku saabsan dadkan loo haysto inay wax ka ogaayeen weerarkaasi ayaa waxaa soo baxaya in dadka maxkamada ka soo hor muuqday uu ka mid yahay ruux haysta dhalashada Canada hase ahaatee ka soo jeeda Soomaaliya.

C/xakiim Maxamed Guuleed oo haysta dhalashada Canada ayaa ka mid ah shanta ruux ee loo haysto inay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit2.

Dhinaca kalena saraakiisha amniga Kenya ayaa shaaciyay magaca shaqsigii isku qarxiyay hotelka ee bilaabay weerarka kaasoo lagu magacaabo sida la sheegay Mahir Khalid, kana soo jeeda Magaalada Mombasa sida ay sheegeen saraakiisha amaanka dowladda Kenya.

Hadalsame Media