Dalal ka tirsan kuwa Carabta oo Deymihii lacageed ka cafiyay Soomaaliya+SAWIRRO

0

(Beyruut) 19 Jan 2019 – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dalalka Carabta qaar kood ka cafiyaan deymaha,si ay taasi gogal-xaar ugu noqoto in Soomaaliya guud ahaanba laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka socda Magaalada Bayruut ee Dalka Lubnaan ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.

“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee Dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay Dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo Dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin Dowladaha Carbeed.

Hadalsame Media