Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya socdaalka iyo isdhaafsiga Xogaha+SAWIRRO

0

(Istanbul) 19 Jan 2019 – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mr. Koofi oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Mr. Koofi ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.

Hadalsame Media