DAAWO: ”Qof aan Qur’aan lahayn QOLOF waaye!” – Maxaa kala qabsaday Salaad C Jeelle & weriye

0

(Muqdisho) 19 Jan 2019 – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah ragga sida saraaxadda leh u hadla sax iyo khaladba ayaa waxaa mar la waydiiyey su’aal aan la yara qumanayn oo ku aadanayd inuu siyaasadda ku ”dambaabayo” maadaama uu macallin dugsi ahaan jirey, sida uu weriyuhu waydiiyay.

Yeelkeede, Md Jeelle oo aan isba dhibin ayaa si deggan weriyihii ugu sharraxay faa’idooyinka Qur’aanka iyo qofka xambaarsan. ”Qof aan Qur’aan lahayn sidiisaba qolof waaye, waa eber wax ku jira ma leh!” ayuu yiri.

Jeelle ayaa weriyihii u sheegay in duniduba aysan jirteen Qur’aan la’aan oo aysan xitaa gaaladu ku noolaateen, qofka dugsi Qur’aanka dhigana uu yahay qof Qur’aanka xambaarsan.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media