DAAWO: Nin Kenyan ah oo dalbaday in nolosha lagu aaso naagtiisa oo ”qaylo badan” darteed

0

Awilo JaSiaya, ayaa Khamiistii u tegey nin geeda qoroow ama najaar ah, kaasoo uu waydiiyey sicirka naxashka.

“Wuxuu xirnaa jaakadda iftiin celiyaha leh ee boda boda-da, waxaan moodayay inuu naxashka u raadinayo qof kale,” ayuu yiri geeda-qoroow Alphonse Odhiambo oo yaabban.

Odhiambo wuxuu sheegay inuu naxash kaga iibsadey Sh13,000 ooo shilin. “Markii aan waydiiyay cidda uu aasayo, wuxuu yiri naftayda, kaddibna wuxuu dhex seexday naxashkii,” ayuu raaciyay Odhiambo oo sheegay inuu deeto codsaday in gaari lagu geeyo xaafaddiisa isagoo naxashka dhex jiifa.

“Waloow aan qaraabo xooggan leeyahay, xaaskaygu aad bay ii dhibaysey, oo qadyaan ayaan ka joogaa. Marka waxaan qorshaystay inaan is aaso maxaa wacay waxaan ahay mayd socda,” ayuu ku dooday JaSiaya oo la hadlaya warbaahinta.

Yeelkeede, dersaanta ayaa sheegay in mashaqaduba ay isaga ka socoto oo uu marar badan bannaanka ku garaaco xaaskiisa, waxa loo eryeyna ay tahay eed uu isagu dhigay. Mar buu xitaa tegey qaybta qaboojiyaha ee isbitaalka Migori Referral Hospital isagoo codsaday inay mayd ahaan u geliyaan qaboojiyaha.

Ninkan iyo xaaskiisa ayaa is guursadey 2000 waxayna leeyihiin 3 carruur ah, iyadoo ay u wayn tahay gabar dhigata fasalka Form Two.

Hadalsame Media