Baxa oo ku laabta dalkiina! Soomaalida ku nool Kenya oo loo diray fariin cusub (Sababta)

0

(Nairobi) 19 Jan 2019 Guddoomiyaha deegaanka Tana River ee dalka Kenya Dhadho Godhana ayaa ugu baaqay Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi inay isaga tagaan, dalkooda Soomaaliyana dib ugu laabtaan sida uu yiri.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hotel Dusit2 waxaa sii kordhaya cabsida dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya ay ka qabaan inay saameyaan falcelinta dowladda Kenya.

Al-Sahbaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii dhacay tallaadadii la soo dhaafay.

Dhadho Godhana ayaa u sheegay Soomaalida in dalkooda uu hadda nabad yahay oo ay ku laaban karaan islamarkaana ay gacan ka gaysan karaan dib u dhiska dalkooda intii aad isaga jiri lahaydeen buu yiri xeryo qaxooti.

Waxaa uu si kulul u cambaareeyay weerarkii  ay 21 qof ku dhinteen ee ka dhacay Hotelka Dusit2 waxaana uu sheegay in qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya ku sugan ay yihiin dad aan garan Karin masuuliyada ka saaran amniga dalkiisa, sidaas darteedna loo baahan yahay inay si dhaqso ah uga baxaan Kenya oo ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Hadalsame Media