Baro 6 qaybood oo jirkaaga ka mid ah balse aan wax kuu qaban! (Qaybtii 6-aad)

0

(Hadalsame) 018 Jan 2019 – Waxaa jira xubno ka mid ah kuwa jirkaaga oo aan wax shaqo ah u qaban jirka insaanka (vestigial organs), kuwaasoo caadiyan cabbir ahaan ka yar kuwa kale.

Xubnahan shaqo la’aanta ah ee aysan jirin wax ay ku tooran yihiin marka wax laga eego dhanka qaab dhismeedka jirka iyo shaqada xubnihiisa ayaaba mararka qaar dhib keeni kara gaar ahaan haddii ay jiradaan iyadoo aysan jirin dheef lagu qabo, sida ay qabaan culimada caafimaadku, waloow ay u badan tahay inay jiraan wax aynaan ogayn oo uu ALLE ogyahay.

XUBNAHAA/QAYBAHAASI WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Raaraca hoose ee mindhicirka (Appendix)
  2. Goows Caqliyeedka (Wisdom Teeth)
  3. Timaha jirka ama Body hair (Arrector Pili)
  4. Daba qanaanta ama Tailbone (Coccyx)
  5. Ibta naasaha labka (Male nipples)
  6. Meesha guduudan ee gasha isha ee ku taalla laba gees ee isha ama Third eyelid (Plica semilunaris).

Iminka bal aanu mid mid u dul istaagno si aannu iskugu dayno in aannu si faahfaahsan u aragno waxa ay qabtaan, haddiiba ay jiraan inay wax ku tooran yihiin.

6. Gasha 3-aad ee isha ama Third Eyelid (or Plica semilunaris)

Qaybtani waloow ay xayawaannada qaar sida eeyaha, xamaaratada iyo kalluunka ay ugu baahan yihiin dhowr shaqo iyo inay aragtida isha ku ilaashadaan, insaanku galka 3-aad ee isha uma baahna dhanka joogtaynta aragtida quman.

third eyelidTaasi kama dhigna in gebi ahaanba ay bar kuma taal tahay gasha 3-aad ee ishu oo aysan waxba ku toornayn. Tusaale, marka aad ishaada dhaqaajiso qaybtan (plica semilunaris) waxay gacan ka gaysataa sii daynta biyo isha ka caawiya inay saxarka iyo buska iska saarto, gaar ahaan marka aad ku dhex socoto meel siigo badan ama xeeb dabayl badan.

Xubnahan oo dhami waloow haatan la sheegayo inaysan waxba qaban ama ay qabtaan howlo laga fursan karo oo aan daruuri ahayn, misna waxba bilaa micne looma sameeyo, waxaa dhici karta in ay ku tooran yihiin adeegyo fahamkooda aanu weli cilmi ahaan gaarin insaanku.

DHAMAAD

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media