Wuxuu ahaa wiil yar oo reerkiisa Bajaaj ugu shaqaynayay waxaana diley ASKARI kibirsan

0

(Muqdisho) 17 Jan 2019 – 2016-kii ayuu guursaday, wuxuu dhalay labo caruur ah. Wuxuu ahaa wiilka kaliya ee reerkiisa u adeegi jiray oo rootiga u dhicin jirey.

Maslax Cabdi oo ka mid ahaa wiilasha bajaajta wada ayay shalay madaxa ka toogteen koox hubaysan oo ka tirsan Ciidanka Dowladda.

SABTA SAHLAN EE LOO DILEY!

Wuxuu diiday inuu si bilaash ah ku qaado labo askari oo rabay inay raacaan mooto bajaajtiisa, kaddib markii uu ka diiday ayay madaxa ka toogteen sida ay sheegen goob joogayaal ku sugnaa goobta.

Xaaskiisa Xafso oo 22 sano jir ah ayaa uur leh hada. Waxey ku jireen nolol ay ku qansacsanaayeen laakiin xalay ay murug kusoo afjarantay oo reerkiisii qamuunyo ayaa u taalla.

Allaha u naxariisto Maslax. Waa dhacdo aad u xanuun badan.

Arrintan ayaa soo noqnoqotay waxayna muujinaysaa inay ciidamada dowladda ka buuxaan dad badan oo aan xitaa u qalmin in bulshada lagu dhex daayo iskaba daa in askar dal laga dhigee.

Waxaa Diyaariyay: Idris Abdulkadir

Hadalsame Media