RASMI: Motorola oo dib usoo celinaysa telefoon caan ah + Sawirro (Goorta aad gadan karto)

0

(Chicago, ILL) 17 Jan 2019 – Waxaa dib usoo laabanaya telefoonkii caanka baxay ee beri lagu daadsanaa ee Motorola Razr kaddib markii lagu aasay qabriga digital-ka ah 2008-dii.

Sharikaddan Maraykanka ah ee Motorola iminka iska leh ee Lenovo ayaa guddoonsatey inay soo noolayso telefoonkan oo ahaa nooca isku laabta, waxaana dufcadda 1-aad lagu iibin doonaa $1,500 doollar, sida lagu qoray Wall Street Journal.

Lenovo ayaa arrintan la kaashanaysa Verizon si dib boorka looga jafo Motorola Razr, kaasoo uu iibkiisu suuqyada Maraykanka ka bilaabmayo bisha Febraayo ee soo aaddan, kaddibna wuxuu ku baahayaa suuqyada caalamka.

Ma noqon doonto markii ugu horreeysey ee ay Motorola isku daydo soo noolaynta magaca Razr. 2011, waxay sharikaddu Verizon kala shaqaysay Droid Razr, kaasoo lahaa shaashad ballarkeedu yahay 4.3-inch.

Hadalsame Media