Khubaro baaraysa xog la xiriirta ayaxii ku ”duuley” Masjidka Wayn ee Maka

0

(Maka) 15 Jan 2019 – Khubaro ka socota dowladda hoose ee Makkah Municipality ayaa booqday Masjidka Wayn ee Maka iyagoo halkaa kasoo qaaday samballo ay doonayaan inay ka baaraan waxa keenay inuu cayayaankani duullaan kusoo qaado masjidka.

Khubaradan ayaa sidoo kale go’aamin doona halka uu cayayaankani ka yimid, si ay markiiba ula tacaalaan inta uusan masjidka iyo Maka soo gaarin haddii uu lacalla mustaqbalka soo rogaal celiyo.

Fahd Al-Malki, oo ah madaxa arrimaha Xaramaynka, gaar ahaan dhanka nadaafadda iyo maaraynta, ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gebi ahaanba cirib tiraan ayaxaasi kahor salaadii Jimcaha.

“Cayayaankaasi dadkii dukanayay waxba uma dhimin. Waxay masjidka kusoo qamaameen intii u dhaxaysey salaaddii cishaha iyo middii subax,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inay haystaan 100 xabbo oo ah qalab la yiraahdo “Caesar Mob” kaasoo cayayaanka meel qura iskugu keenaya kaddibna ku baabi’inaya iyadoo la adeegsanayo sunta cayayaanka disha.

Hadalsame Media