CAQLIYADDA BARAHA BULSHADA: Gabar UKUN la colloowdey! (Sabab?)

0

(Los Angeles) 15 Jan 2019 – Rikoodhka dunida ee Sawirka ugu riyaaqa ama Like-ta badan ee dhanka barta Instagram-ka wuxuu ahaa 18 Milyan, waxaana haysatay Kylie Jenner, oo ah gabadh xarragada ka shaqeeysa una dhalatay dalka Maraykanka.

Balse hadda Rikoodhka waxaa kala wareegtay ukun, waxaanna ”Like” saartay in ka badan 36 Milyan oo qofood (taasoo laba laab ku ah tirada Kylie Jenner), kaaga darane, ilaa iyo hadda lama oga cidda soo dhigtay ukuntaas!

Kylie Jenner, oo arrintaas ka yara xanaaqday, ayaa shalay soo dhigtay Video ay ku jabinayso Ukun! — iyadoo malaha kula colloowdey inay ka shacbiyad badisay.

Naga raac dhanka Twitter-ka…


Arrintan ayaa ka mid ah caqliyadda cusub ee baraha bulshada oo ay daraasaadka qaar tibaaxayaan inay saamayn ku yeelanayaan dareenka qofka waxyaabo iska licib saqiir ah sida faallo la bixiyay, post lasoo dhigay like la saaray ama aan la saarin iwm.

Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media