Wax badan ka baro garoonka ay Arbacada isku fara saarayaan Juventus & AC Milan ee King Abdullah Stadium + Sawirro

0

(Jiddah) 14 Jan 2019 – Kooxaha AC Milan iyo Juventus ayaa Arbacada ku ballansan Koobka Italian Super Cup oo lagu qaban doono magaalada Jiddah: Gaar ahaan gegada caanka ah ee King Abdullah Stadium

Garoonkan oo lagu naanayso Jawharaddii Dhalaalaysay ee King Abdullah Stadium ee marti gelinaya Italian Super Cup waa garoon Alfu Layl Wa Layl ah wuxuuna qaadaa 62,000 oo taageere.

Waa garoonka ugu qaadka wayn magaalada Jiddah, sidoo kalena waa garoonka 2-aad ee ugu ballaaran guud ahaanba garoomada Saudi Arabia.

Garoonkan oo laba sano uun lagu dhisay waxaa xarigga laga jaray 2014 waxaana ku baxday adduun dhan $560 milyan oo doollar. Waa masrax la xushmeeyo oo gebi ahaanba la wada iibsaday tigidhada ciyaarta adag ee Rossoneri iyo Bianconeri.

Arrintan ayaa sidaa darteed suuq gayn cusub u ah Horyaalka Serie A-da Talyaaniga oo iminka doonaya inuu dib u kasbado booskiisii 1-aad ee uu mar ku noqday horyaalka Adduunka.

Hadalsame Media