AC Milan oo Krzysztof Piatek u bartilmaameedsanaysa biddaalka Higuain (Qorshaha)

0

(Milano) 14 Jan 2019 – AC Milan ayaa riixaysa qorshe ay kula soo wareegayso qannaaska Genoa ee Krzysztof Piatek oo ay doonayaan inay ku bedelaan Gonzalo Higuain.

Sida ku dhigan Gazzetta dello Sport, maareeyayaasha ciyaaraha ee Milan ee Leonardo iyo Paolo Maldini ayaan kooxda u raacin magaalada Jiddah oo ay Arbacada kula dheelayaan Supercoppa Italia kooxda Juventus.

Wargayska ayaana sharraxaya in ay taa ugu wacan tahay iyagoo ku howllan ‘ka fikiritaanka suuq jiilaalka’ iyadoo laacibka xiga uu yahay Piatek.

Kooxda Rossoneri ayaa Genoa u bandhigaysa amaah qaali ah maadaama ay kooxdu lugaha uga xiran tahay xeerka Financial Fair Play oo ka hor taagan inay mar qura kharash gareeyaan €40-50m, oo uu doonayo badrooniga Grifone ee Enrico Preziosi, waloow ay lacagtii haystaan.

Ninkan reer Pole ayaa Milan u bedelaya Higuain, oo doonaya inuu ka tago AC Milan codsadayna in la fasoxo si uu ula midoobo Maurizio Sarri oo iminka ku sugan Chelsea.

Hadalsame Media