Golaha Shacabka Baarlamaanka oo ogolaaday wax ka bedelka xeerka Maamulka Bangiga Dhexe ee dalka

0

(Muqdisho) 14 Jan 2019 Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xeerka wax ka bedelka Bangiga Dhexe, kaddib dood ay ka yeesheen xeerkaas maanta

158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkaani dhaqangal yahay. Laakin waxaa uu u baahan yahay in Golaha Aqalka Sare ay sidoo kale ogolaadaan.


Qodobka wax ka bedelka ayaa dhigaya in Xilalka sare ee Bankiga ay qaban karaan cid kasta oo ugu dhibca saraysa dadka doonaya, taasoo ka dhigan cid walba ay xilkaas qaban karto, iyadoo aan loogu eegeyn Jinsiyaddiisa.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe.

Hadalsame Media