Faallo: Xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan Shiikh iyo xanjafintii Febraayo (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2019 – HORDHACMaqaalkaan waxaan oga hadli doonaa xil-sidashaddii Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud 2012-2016 anagoo ka fiirin doonna tilaabooyin kii sii siyaasadda iyo hagitaanka masiirka umadda iyo dalka, sidoo kale waxaan ku eegi doonaa xil-sugashaddii Xasan Sh Maxamuud, waa markii looga guulaystay doorshaddii 2016kii siddii uu xilka u wareejiyay uguna qancay doorashadda u lana shaqeeyay madaxwaynihii asaga bedelay.

Kama marna maqaalka dharbaaxyaddii ku dhacday madaxwaynihii soo ariminayay afarta sano dalka filanayayna guusha lagana guulaystay ee uu oga guulaystay siyaasi cusub. Ugu danbayn waxaan faaqiddi doonaa nuuca siyaasi uu yahay Xasan Sh Maxamuud iyo heerkiisa siyaasinimo. Maqaalku waa maqaal dheer oo leh ilaa afar qaybood kana kooban 10bog.

ASAL

Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa u soo shaqeeyay Bulshadda waqti dheer, wuxuu soo ahaa macalin, wuxuu soo maamulay Ha’addo waxbarasho illaa ha’addo samafal. Wuxuu taladda Dalka qabtay sanaddii 2016 asagoo ka guulaystay Madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Madaxwayne Sh.

Shariif Sh. Axmed. Wuxuu ahaa siyaasi nugu cusub shacab ahaan iyo waliba aduunka guud ahaan. Doorashaddiisii dalku wuxuu kutilaabsaday hormar markay ugu yartahay gaarsiisan umad caasimaddooda isku dooratay.

Markii la doortay sidoo kale waxaa laga baxay kumeel-gaarnimaddii, filashadda iyo rajadda shacabka ayaa meel sare tagay qof walibaa hanaan dawladnimoo loo dhanyahay buu sawirtay (ileen waxaa yimid aqoon yahan waxbadan ka duwan dadkii horay Dalkaan usoo hogaamin jiray,  luguna doortay meeshii laysku dooran jiray meelka duwan waa caasumadda Dalka e).

In Dalku kabaxay kumeel-gaarnimadda iyo in hogaanka Dalka loo dhiibay Macalin meelo badan kasoo shaqeeyay waxay dhistay rajjo iyo filasho gaaray ‘meel aan loo baahnayn’ waxay naga qariyeen labadaas arin wixii aan ahayn, xaqiiqaddii gobolka, iyo tii qarniga. Dalka waxaa ka jiray walina ka jira is aaminaad darro, kalashaki, bisayl la’aan iyo cayr nimo dhaqaale iyo Dawladnimo intaba.

Waxa aanan sifiicanna u aqoon waxa aan u dhiibnay Xasan Shiiq (yacnii nuuca dalwadnimo e uu hogaanka kayahay ma aanan ufiirsan). Waxaan u dhiibnay Dawlad kutiirsan cilmi, caqli, iyo cudud shisheeye, canshuur aanan siin. Waxaan udhiibnay Dawlad aan qoran ciday rabto e loo qoro ciddii larabo, Dawlad ay ciidan u yihiin haraadigii intii Dalkaan ku hardami jirtay oo is nacaynaya, Dawlad ciiidan keede uu qorto qofkii dayraa iyo qofkii Daanburigu u ganbiyo, Dawlad aan la aqoon waxa ay leedahay, Dawlad waxay leheed xoog loog haysto Guryo, Gaadiid, Gayi, iyo Garawsiyo intaba.

Shacab waynaha Soomaaliyeed waxay aamin sanaayeen in barwaaqadda kumeel-gaarnimaddu un in ay nooga aadan tahay hadiiba la jabshay darbigaasana cagaarkii iyo barwaaqaddii lugu ekaan doono, mase dhicin waayo waxaa naga dahsoonaa waxyaabo badan, waxaan iloownay in aan joogno Dal wixii ceeb ahaan jiray ay caaddo yihiin.

Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugsiga beesha caalamkaan biilka bayt keenna ka sugnaa, waxaa ceeb ahaan jiray beenta iyo sirta, midba midbuu siraa siriqna u qoolaa, gobolba gobolluu gallaalaa. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugnimadda waxaad arkaysaa Tuug laankaruusar watta, bal aduguba xusuuso imasa tuug ayaad taqaanaa kuna aragtaa ayakoo rooraya maka al-mukarama inta aan soo sheegay waxay ahaayeen caqaboddo ku hor gudbanaa Dawladnimadda suuban, iyo qarannimo qiimo leh hadana waan iska indhotirnay mana aanan garawsan. Hadaan intaas garawsan lahayn waa loogaraabi lahaa duqa dhoola cadayntiisana waa la qaadan lahaa.

Shacabka Xasan Shiiq u dawladaynayay waxay ahaayeen shacab Dawladnimadda iska ilaalinaya kana baqaya, Dawladda luguma aaminin Diiq jaban bal iskaba daa’ in qof dhani ku aamino naftiisa, Amni ahaan, iyo masiir ahaanba. Dawladda cidi iskumay aaminin waxtarna lagama sugo., Dawladda qof kastaa wuxuu diyaar ula ahaa boob iyo kala badsasho, sidaan waxaa keenay shacabku waxayka yimaadeen 10sanoo maxaakiim gaar loo leeyahay iyo qab-qablayaal ah.

10 sanoo dagaal sokeeyaa, iyo 20sanoo kaligi talisnimo ahh, waxaa kasii horeeyay xukuumaddo raydid ah oo aan tabarbadnayn. Dawlad micno leh ee dalkaan kasoo hana qaaday waxay aheed Dawladdii kacaankii iskibriyay ee uu hor boodayay Maxamed Siyaad Barre, Dawladiisa waxaa la oran jiray “Dawladdii Siyaad Barre” taasi waxay keentay markii asaga la waayay in Dawladdiina la waayay waayo may ahayn Dawlad aan anagu dhisanay. Maamulkii kacaanku wuxuu dhexdhigay Dadka, kala shaki, is aaminaad darro, Dawladnimadda ayuu nacsiiyay Dadkii markii horaba aan Dawladnimadda sifiican u aqoon waayo xarnimadaba waxaa la qaatay maraan dheerayn oo galti ayaa laga ahaa Dawladnimadda.

Dawladdii kacaanku waxay samaysay kutagri fal awodeed, dhaqaale, aragti iyo xuriyad intaba taasoo qaraarka dhigtay dawladnimadda, Dadgaara ayaa la beegsaday, toogashaa u yareed wax laysku xukumo xiliyaddii danbe. qofkii kacaanka u bogi waaya waxaa la marinjiray cinqaab. Dawladdu waxay u muuqatay midaan shacabka rabin shacabkuna sidaas ayay u naceen Dawladda. Dawladdu way boobijirtay shacabka, shacabkuna Dawladda wuu boobijiray meel ay ku heshiiyeen majirto. Shacabku waxay u baahnaayeen in Dawladda la heshiisiiyo si loogu Dawladeeyo.

Kacaankii dalkaan soo xukumay dawladnimadda way dhaameen shacabka iyo dawladdiisa waxay dhexdhigeen colaad, waxay dawladnimadda ka muujiyeen suurad xun, quus ayay dadka geliyeen is aaminaad darro wayn ayaa dadka Soomaaliyeed dhexdhigeen, dagaaladdii sokeeyana arinka way oga siidareen.

Waxaa kaloo jirtay ayaduna arin kale oo aan la wadaagno Afrika. Afrika awoodaha dawligaa ayaa laga sameeyaa hantidda sidda badanna aragti nuucaas ah ayaa siyaasiyiintu xanbaar sanyihiin. Xasan shiiq xiligii uu xukunka la wareegay cid walbaa ma aysan qoran jiran shaqaale dawladeed la ma na dooran jirin ushaqaynta dawladda dadka waa lugu baryijiray sidaasooy tahay waxaa qasab aheed in uu helo dad la shaqeeya lana xambaara dawladnimadda.

Asakarta waxaa qoran jiray qofka nolosha kadhacay e loo yaqaan “dayradda” siyaasiyiintuna baddi waxay ahaayeen haraadigii halgamayaashiii dalkaan kusoo halgamay labaatankii sanoo dawlad la’aanta iyo wakiilo kasocda danleey. Xaaladda dalku waxay maraysay meel aan la qiyaasi karin muddo dheer ayuu dalku soo burburayay wuxuu u baahnaa waqti badan iyo dadaal dulqaad la jiro siyuu u soo kabto.

Waxaa harsan qaybo kala ah

1-      Xil-sidashaddii Xasan Shiq (2012-2016)
2-      Dabarkii dawladdii Xasan Shiiq
3-      Xil-sugashaddii Xasan shiiq (2016- 2020)
4-      Xanjafintii Febraayo
5-      Siiyaalka siyaasinimo ee Xasan Shiiq
6-      Gaban-gabo

Waxaad kala socon kartaa wabseedyadda aan wax ku qoro, barahayga bulshadda iyo bartayda aan ku leeyahay baloogga sumaddiisu tahay Calicabdalla.blogspot.com.

La soco qaybta 2-aad…

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
www.facebook.com/cccimaam
[email protected]
[email protected]

AFEEF: Qoraalkani waa aragtida qoraha ku saxiixan ee daruuri maaha inuu ka tarjumo midda Hadalsame

Hadalsame Media

Facebook Comments