Shir laga joojiyey Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh & sababta loo cuskaday!

0

(Baydhabo) 13 Jan 2019 – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in waaxaha amaanku ay hor istaageen Xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa ku dhigi lahaa Siminnaar ka dhici lahaa mid ka mid ah hoteelada Baydhabo.

Siminaarkaan oo qabsoomi lahaa gelinka dambe ee maanta waxay Xisbigu sheegeen in lagu wargeliyay in ay baajiyaan shirkaasi tababarka ahaa, iyadoo ay la soo xiriireen isla Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo u sheegay in ay dib u dhigaan tababarkaasi.

Xisbiga ayaa sheegay in baajintaasi loo sababeeyay arrimo la xiriira amaanka, maadaama uu weli nidaamka magaaladu ku jiro xaalad kala guur ah, isla markaana aanu weli maamulku si buuxda ula wareegin nidaamka oo aan weli la qaban caleema saarkii Madaxweynaha Koonfur galbeed.

Xubnaha Xisbiga ayaa se qaba in sababo ay siyaasad ku sheegeen looga joojiyay shirkan siminaar bixinta ah ee ka dhici lahaa magaalada Baydhabo.

Hadalsame Media