Nin ay aad u nebcaayeen taageerayaasha Inter oo geeriyoodey!

0

(Pretoria) 13 Jan 2019 – Weerarqaadkii hore ee kooxaha Salernitana, Bari iyo South Africa ee Phil Masinga ayaa xijaabtey isagoo 49 jir ah.

Laacibka ayaa isbitaalka yaalley tan iyo bishii tagtay ee Diseembar oo uu ugu jirey bugto aan la shaacin, isagoo dhaqaale ahaan sagxadda taagnaa.

Masinga ayaa halyeey ka ahaa dalkiisa isagoo dhaliyey 18 gool 58 kulan oo uu u saftay qarankiisa South Africa.

Wuxuu 4 sanadood ku qaatay Serie A-da Talyaaniga isagoo ku bilaabay Salernitana 1997, deedna u wareegey kooxda Bari ilaa xagaagii 2001. Wuxuu caan ku ahaa inuu Inter goolal sun ah ka dhaliyo.

Wuxuu kaloo usoo dheeley Jomo Cosmos, Mamelodi Sundows, Leeds United, St Gallen iyo Al-Wahda.

Hadalsame Media

Facebook Comments