Paquetà oo hal arrin kala mid noqday KAKA (Arag shaxda caawa iyo sababta)

0

(Genoa) 12 Jan 2018 – Kooxda AC Milan ayaa caawa la dheeleysa kooxda Sampdoria kulan ka tirsan Koobka Talyaaniga, Lucas Paquetà oo dhowaan kooxdaasi kusoo biiray ayaana sanadka 1-aad kasoo muuqanaya Milan.

Gattuso, ayaa la sheegay inuu daqiiqadda 1-aadba ku tashanayo xiddigan reer Brazil, sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport – oo laacibkan barbardhigaya Kaka, oo daqiiqaddii 1-aadba kooxda Milan u saftay 2003 ciyaartii Ancona.

Paquetà, ayaa sanadka cusub ku bilaabanaya inuu ciyaar bilowgiisa kasoo muuqdo Coppa Italia, waxaana la dhigay booska uu ka dhaawacan yahay Bonaventura waana laacib lagu sheegay inuu mustaqbal wanaagsan leeyahay, waloow uu 21 jir uun yahay.

Hadalsame Media