“Isma QABATEE kala daaya!” – Xil. Fiqi oo karbaashey xukuumadda

0

(Hadalsame) 12 Jan 2019 – Mararka qaarkood marka aad dhagaysato hadallada madaxda dalka, kuna miisaanto ficiladooda waxaa is leedahay ma kalimadihii ayaa fasiraado cusub yeeshay, waxaa isku kay qaban weyday hadaladooda iyo ficiladooda oo is-hardin iyo iska-horimaansho ay ka muuqataa, tusaale ahaan:

Wadani ma jirin 8 Febraayo ka hor, laakin muwaadin Soomaaliyaa ayaa dawlad shisheeye ay dawladdiisii u dhiibaysaa Hala kala daayo wax isqabta ma ahane.

Wadanka madax-banaanidiisa yaan la soo faragalin in afka laga yiraahdo laakin sharci dalka u degenaa in qof ajnabi ah dartiis loo bedelo hadda ka hor ma dhicin, wax isqabtana ma ahan hala kala daayo!

Musuqmaasuqa waa la diriraynaa, Isla xisbaatankana waan xoojinaynaa laakin $42 Milyan meel kuma sheegNo, guddigii maaliyadda ee golaha shacabka ugu qaabilsanaa isla xisaabtankana waa kala qeybinayNaa isla markaana la dagaalaynaa wax isqabta ma ahane hala kala daayo!

Nabadoon ayaan noqonayaa, dadka iyo dalka waa isku wadayaa, laakin maamuladii dalka ka jiray col baan la noqonayaa, burburkoodana waa ka shaqaynayaa, Somaliland cunaqabatayn Ayaan saarayaa, Jabuutina waxaan kala safanayaa Eritrea wax horey loo arkay maahan, iamana qabtanee hala kala daayo!

Hantidii dalka (Dhul & Baabuur) soo celinteeda ayaan guddi u saaraynaa, kheyraadkii badda (Kalluunkii) iyo shidaalkii ayaan shirkado ajnabi ah u saxiixayaa si dhuumaalaysi ah, wax caqliga ka daadaagaya ma ahan, ismana qabatee hala kala daayo!

Dalka dimuqraadiyad iyo doorashooyin ayaan gaarsiinaynaa, hotel tababar ka socdayna ciidamo ayaan u diraynaa, ishortaag ku sameeya wax isqabta ma ahane hala kala daayo!

Qabyaalad iyo kala qeybinta bulshada la igu arki maayo, haddana abaabul dagaal Ayaan gobolada qaarkood ka samaynayaa wax isqabta ma ahane hala kala daayo!
Waxaa qoray

Waxaa Qoray: Xil. Ahmed Moallim Fiqi