DEG DEG: Dab ka bilowday suuqa ugu wayn magaalada Muqdisho + Sawirro (Qaybta iyo sababta)

0

(Muqdisho) 10 Jan 2019 – Waxaa la soo sheegayaa inuu dab qabsaday suuqa ugu wayn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday koronto qaraxdey waxaana durba goobta gaarey qaar ka mid ganacsatadii suuqa gaar ahaan qaybta uu dabku ka socdo.

Dabka ayaa laga soo sheegayaa qaybta maacuunta iyo huudheeyda ee suuqaasi, waxaana durba soconaya dadaallo lagu doonayo in dabka lagu baqtiiyo sida ay Hadalsame u sheegeen dad goobjoog ah.

Waxaa rasaas digniin ah kor u ridaya ciidamada amaanka oo doonaya inay goobta ka eryaan cid kasta oo la tuhunsan yahay inay farataysi doonayso.

Dab-damiska Hormuud ayaa goobta yimid kaasoo gacan ka gaysanaya dab-daminta, waxaa kale oo iminka yaraatay dabay socotey taasoo caawinaysa howlaha lagula tacaalayo in aanu dabku sii faafin.

Hadalsame Media