FEDERAAL KHALAD LAGA FAHMEY! Arag su’aalaha horyaalla Axmed Madoobe

0

(Hadalsame) 10 Jan 2019 – Waxaa Somalia oo ah dal ay ragaadiyeen khilaafyo iyo dagaallo micne darra oo ay sababtay siyaasado aan bislayn oo iska horjeedka uun ku bullaala ayaa waxay iminka markale la daalaa dhacaysaa arrin kale.

Waa nidaam lagu sheegay Federaal, balse markii aad si hoose u dhugato ama aad barbardhigto noocyada ka jira caalamka, aanad arkahayn meel qura oo uu ka shaqeeyo Federaal u dhigma midka Somalia ee midabbada badan.

Beri dhexdaas ah gobollo ayaa soo celiyay wasiirro iyo xildhibaanno, mar kasii horreeysey mid baa yiri “hawadaydu xiran” mar xigtey “xiriir baannu jarnay” ayay dadka maqashiiyeen, maalin dhowayd “dowladdu ma iman karto doorashada” iyo “ergay hebel ma eryi karto” ayaa lala dhaygagay. ” “Ciidamada Millateriga ee gobol hebel waa inay dowladdu soo siisaa qaybtooda”, hadda u fiirso maaha Ciidamada Millateriga Somalia ayaa baaq lagusoo saaray.

Waxaas oo dhami waxay muujinayaan mashaqada uu la yimid hannaan maamul oo aan isagu magac ahaan eed lahayn oo ay duni badani adeegsato, balse aan ahayn nooca aannu u dabaqayno ee mar qabyaaladaysan marna u dhisaalan qara  diidnimo cad iyo shisheeye kalkaalnimo. Iska dheh nidaam jabhadeeysan.

Haatan Axmed Madoobe oo ka arrimiya maamulka Jubbaland oo dhulka uu xukunkiisa sheegto 2/3 ka mid ah aan xukumin ayaa dagaal ku dhawaaqay. Haddaba taasi ma tahay dastuuri? Ogoowna Jubbaland waxaa jooga ciidamada Xoogga dalka ee SNA.

BAL ARAG SU’AALAHAN?

Ma ahan taliyaha guud ee ciidmada qalabka sida waxaana awoodaha ku dhawaaqida dagaalka uu dastuurku siiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka?

Ma ahan wasiirka gaashaandhiga jamhuuriyada federaalka?

Ma ahan taliyaha ciidanka xooga.
Ma ahan abaanduulaha ciidanka xooga?

Waa madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland?

Hadaba sidee u aragtaa dagaalka uu kaligii ku dhawaaqay mudane Axmed Madoobe?

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji iyo Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media